Sunday, July 13, 2025

Dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood iyo Wararkii ugu danbeeyay Shirkii Odayaasha

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta Goboka Sool ayaa sheegaya inay rasaas ka socoto Gudaha magaalada, kadib markii ciidamada Somaliland oo duleedka magaalada ku sugnaa ay gudaha soo galeen.

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa magaalada, waxaana warar is khilaafsan kasoo baxayaan sida wax u dhaceen, iyadoo gabagabo ahaa shirkii odayaasha Beesha degaanka oo halkaasi ka socday in muddo ah.

War kasoo baxay ciidamada Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan oo ay soo abaabuleen Garaadadda lagu tilmaamay nabadiid ay soo weerarreen Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood.

Waxaa kaloo ciidamada Ciidamada Somaliland ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka, ayna uga dhaawacmeen laba askari.

Dhinaca kale dadka magaalada Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay soo weerareen saaka aroortii, iyagoo doonaya inay ka hortagaan go’aannada laga filayo shirka Odayaasha Dhaqanka reer Sool oo la filayo inay go’aansadaan inay ka baxeen Somaliland.

Xaaladda ayaa weli qasan magaalada Laascaanood, waxaana la maqlayaa rasaas, iyadoo lasoo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya-murtiyeedkii shirka oo goor dhow la akhriyay ayey Odayaasha SSC ku dhawaaqeen inay ka baxeen Somaliland, ayna si toos ah u hoos tagaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON