Monday, June 23, 2025

Dagaal ka socda agagaarka Guri uu degan yahay Madaxweynihii hore Xildhibaan Xasan Sheekh iyo…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dagaal kale ka qarxay agagaarka Isgoys Mirinaayada ee degmada C/casiis, halkaasoo uu degan yahay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalka ayaa bilowday markii ay ciidamada dowladda ee ka amar qaata Maxamed C/llaahi Farmaajo weerar ku qaadeen aagga difaaca ee ciidalada ilaalada, waxaana socda rasaas xoog leh oo laba dhinac u dhaxeysa.

Mas’uul ku dhow Madxweynihii hore ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ayaa weerar ku qaadeen guriga uu egan yahay Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh oo uu sheegay inuu shir uga socday odayaasha dhaqanka.

Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo rasaastii badneyd ay qabowday, mana jirto faahfaahin ku saabsan dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay.

Warar kale ayaa sheegaya inay ciidamo cusub dowladda dirtay halkaasi oo rasaas kale ay goor dhoweyd ka bilaabatay, kana socoto…

Iska hor imaadyo kale ayaa maanta Isgoyska Sanca ku dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo mileteri ah oo gadoodsan kuwaasoo saaka qabsaday qeybo ka mida caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON