Monday, June 23, 2025

Dagaal ka socda xaruntii INJI ee Ahlu suna & Wararkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb…

Dagaal ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb, kaasoo dhex maraya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu suna ee magaalada ku wada sugnaa, kadib xiisad ka dhalatay rasaas xalay la isku weydaarsaday magaalada markii gaari kasoo baxay xarunta INJI e Ahlu suna uu xoog ku maray bar koontrol oo ciidamada dowladda leeyihiin.

Dhowr jeer ayaa saaka rasaas laga maqlay magaalada, waxaana ciidamo badan la geeyay xarunta Madaxtooyada iyo agagaarka xarunt INJI oo isu dhow, halkaasoo ay isku hor fadhiyeen ciidamada labada dhinac, iyadoo ilaa saddex jeer rasaastu is qabsatay, balse ay xaaladda kasii dartay saacdihii ugu danbeeyay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu magaalada ka socdo, iyadoo hubka waaweyn iyo madaafiic la isu adeegsanayo, waxaana aad u kacsan xaaladda magaalada, iyadoo labada ciidan ay is abaabuleen si aad ahna isugu dhow yihiiin.

Ad

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen xarunta INJI markii toogasho shiish ah looga soo qaaday sarkaal sare ka tirsan ciidamada oo ilaalo u ahaa madaxweyne Axmed Qoorqoor, kaasoo lagu magacaabo Cabdi Xuseen (Magaradow).

Iska hor imaadyada xalay iyo saaka ka dhacay magaalada ayaa wararku sheegayaan inuu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada dowladda, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta ciidamada dowladda, iyadoo isbitaalka magaalada aan la gaari karin dagaalka awgiis.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la geeyay aagga xarunt INJI oo dagaalku ka socdo, waxaana weli halkaasi ka dhex dagaalamaya ciidamadii Ahlu suna ee ku sugnaa xaruntaasi…

- Advertisement -

WARARKII UGU DANBEEYAY EE DHUUSAMAREEB


Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON