Sunday, June 22, 2025

Dagaal maalintii labaad ka socda Laascaanood iyo Xaruntii Wasiirada Somaliland oo la weerraray

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaalka galay maalintii labaad oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka oo go’aansaday inaysan ka tirsaneyn Somaliland.

Dagaalka dib u bilowday saaka ayaa xooggiisa ka dhacay Buurta Sayidka ee magaalada ay ka joogeen ciidamada Somaliland, waxayna saraakiisha degaanka sheegayaan in ciidamada Somaliland ka saareen xaruntii ay ku sugnaayeen ee aagga Hotel Xamdi.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay ciidamada degaanka weerarreen Guriga Gobolka oo wax yar ka baxsan magaalada, iyadoo weli la maqlayo rasaas culus, halka ciidamada Somaliland ay hub culus adeegsanayaan.

Ad

Somaliland ayaa sheegtay inay iska caabisay dagaal, iyadoo ku eedeysay ciidamo laga keenay Puntland inay dagaalka Laascaanood soo galeen, inkastoo ay xalay Golaha Wasiirada sheegeen in argagixiso ay kula dagaalamayaan magaalada Laascaanood.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Somaliland ay ciidamadeeda intooda badan kala baxeyso Aagga Tukaraq oo ah xuduudka ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo Puntland si ay u xoojiso dagaalka Magaalada Laascaanood.

Qasaaraha dagaalka saaka ayaan weli la heyn, iyadoo dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof oo labada dhinaca ah iyo dhaawac ka badan 100.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON