Wednesday, June 25, 2025

Dagaal toos ah oo xaafad ka mida Muqdisho ku dhex maray Alshabaab & Ciidamada Dowladda

Dagaal toos ah ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dhex maray maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab iyo ciidamada ammanka dowladda.

Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa, magaalada Muqdisho, waxaana laba dhinac ay is weydaarsadeen hub culus oo laga maqlay xaafadaha ku xeeran degaankaasi.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in kooxda Alshabaab laga dilay hal dabley ah, lagana furtay laba qori, iyadoo ay baxsadeen dabley kale oo weerarka qeyb ka ahayd.

Howlgal weyn ayay ciidamada ammaanka caawa ka sameeyeen xaafadaho ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo lagu tuhmo inay dableyda Alshabaab ka howlgalaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON