Wednesday, July 23, 2025

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug oo ka socda Gobolka Mudug…

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu dagaal culus duleedka magaaladaasi ku dhex marayo ciidamo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday xalay saqdii dhexe ka bilowday degaanka Teerage ee galbeedka ka xiga magaalada Gaalkacayo, iyadoo labada dhinac isku heystaan aano ka dhalatay degaan.

Ciidamada labada dhinac oo muddo saacad ka badan ku dagaalamayey degaankaasi ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna Puntland sheegtay inay soo weerrareen ciidamada kasoo jeeda Galmudug.

Askari ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa lagu dilay dagaalkii xalay, iyadoo warar kale sheegayaan inay saddex qof ku dhinteen dagaalkii xalay iyo saaka, waxaana saaka halkaasi gaaray ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ay Puntland u dirtay.

Xiisad colaad ayaa ka taagan degaanka Teerage iyadoo labada dhinac ay isu hub urursanayaan, ayna kala heleen gurmadyo isugu jira ciidan iyo hub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON