Thursday, June 8, 2023

Dagaalka ka socda Caasimada Suudaan, Xabbad joojintii oo burburtay iyo Qasaaraha…

Rasaas culus iyo dagaalo goosgoos ah ayaa ka socda caasimadda Khartoum ee dalka Sudan, kadib xabbad joojin labada dhinac la dhex dhigay oo Mareykanka kasoo shaqeeyay.

Xabad joojinta oo 24 saacadood kaliya ahayd ayaa wax badan shaqeyn weyday, iyadoo dagaalladu kasoo cusboonaadeen waqooyiga magaalada, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Khartoum iyo agagaarka taliska guud ee ciidanka iyo xarunta madaxtooyada.

Dhinaca kale waxaa burbur weyn soo gaaray xarumaha caafimaadka ee caasimadda Khartoum oo dagaaladu ay saameeyeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalka Suudaan.

Ad

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaana diyaarado dagaal ay dul heehaabyeen caasimadda iyo koonfurta Omdurman. Qiiq aad u weyn ayaa ka kacay goobihii ay iska horimaadyadu ka dhaceen ee bartamaha magaalada Khartoum.

Meelaha dagaalada ugu culus ka dhaceen waxaa ka mida xaafadda Hillat Hamad ee Waqooyiga Khartoum oo ka soo horjeeda Qasriga Jamhuuriya ee daanta waqooyi ee wabiga Blue Nile.

Iska horimaadyadan cusub ayaa qarxay iyadoo xabbad joojin 24-saac ah ay ku dhawaaqeen labada dhinac ee dagaalamay, taasoo timid kadib baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lagu dalbaday joojinta dagaalka Suudaan.

- Advertisement -

dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalka Suudaan iyo maleeshiyada sida ciidamada u diyaarsan ee Birmadka degdega ah ayaa dhaliyay qasaare ay ku dhinteen ilaa 174 qof, kuna dhaawacmeen 1041.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!