Sunday, June 22, 2025

Dagaalkii Baraawe oo Dood ka dhaliyay Kulankii Baarlamaanka iyo Xildhibaano isu jawaabay

Dagaalka magaalada Baraawe ku dhex maray ciidamada Milateriga dowladda Federaalka iyo Darawiishta maamulka K/Galbeed ayaa gaaray Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, markii ay Mooshin geeyeen xildhibaanno kasoo jeeda K/Galbeed.

Xildhibaannada K/Galbeed ayaa ciidamada milateriga dowladda ee ku sugan Baraawe ku sheegay inay yihiin ciidamo qabiil oo ka horjeeda maamulka Hirshabeelle, isla markaana dhibaato ku hayaan dadka degaanka oo ay tahay in meesha laga saaro, waxayna cambaareeyeen dagaalkii ay ku qaadeen Madaxtooyada K/Galbeed.

Xildhibaanno kale ayaaa difaacay ciidamada dowladda ku sugan Baraawe, waxayna dalbadeen wixii dhacay in la baaro oo sharciga la marsiiyo, iyagoo dhinaca kale diiday eeda ka timid xildhibananada kasoo jeeda K/Galbeed.

Ad

Dood kulul ayaa dhex martay xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed iyo Hirshabeelle/Galmudug, waxaana isu jawaabay xildhibaannada labada dhinac oo is weydaarsaday hadallo xamaasadeysan, iyadoo markii danbe uu soo afjaray Guddoonka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dagaalka ka dhacday Baraawe loo marayo qaab shaci ah. “Yaa la dilay,maxaa lai sku dilay iyo Ciidan la eedeeyay waxaas oo dhan Baarlamaanka Sharci ayuu ku xalinayaa Xiisada Baraawe Guddi ayaan u saareynaa” ayuuna yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON