Dagaal mar kale ka dhex qarxay saaka ciidamada Somaliland iyo Puntland ee degaanka Tukaraq ayaa sii xoogeysay iyadoo saddex jiho ay dagaallo qaraar ka socdaan.
Dadka degaanka aya sheegay in hubka waaweyn laga maqlayo dhowr jiho oo kaabiga ku haya degaanka Tukaraq, waxayna labada dhinac isku eedeeyeen bilowga dagaalka saaka, waxaa gurmad badan oo ciidamo ku qulqulayaan aagga dagaalka ee Gobolka Sool.
Ma jiro xog laga helayo dagaalka saaka qarxay iyo qasaaraha ka dhashay, iyadoo dagaalkii ugu danbeeyay ee labad dhinac ay ciidamo iyo saraakiil badan 50 ku dhinteen isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa 100 askari.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland inay dagaalka saaka soo qaaday waxayna mas’uuliyadda dagaalka dusha u saaray maamulka Hargeysa sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
HOOS KA AKHRSO WAR-SAXAAFADEEDKA