Monday, July 14, 2025

Dagaallo u dhaxeeya Oromada ah & Qowmiyadaha kale ee Itoobiya oo ka Qarxay duleedka Addis ababa

Dagaallo jinsi ah iyo rabshado xoog leh ayaa ka qarxay magaalada Adddis abab iyo degaanada u dhow, kadib markii ay dhalinyaro Oromo ah dil iyo boob kula dhaqaaqeen dadka kasoo jeeda qowmiyadaha kale.

Rabshadahan ayaa ku soo beegmay dib u soo laabashada madaxa jabhadii hubeysneyd ee Oromada iyo soo laabashadii dagaalyahannaa jabhadaasi, waxaana taagan xaalad kacsan iyadoo la dilay tobanaan qof, isla markaana ay bara kaceen kumanaan kale.

Saxaafadda Itoobiya ayaa soo werisay in rabshadaha ay ka dhaceen Ashewa Meda, Burayu, Anfo, Keta & degaanada Asko, iyadoo taliyaha Booliska degaanka Oromadda General Alemayehu Ejigu uu sheegay inay awoodi waayeen ka hortagga kooxaha rabsahadaha wata oo ah kuwo guurguuraya.

Dhalinayarada Oromada ayaa beegsaday qowmiyadaha Gamos, Wolayitas, Guraghes & Siltes, waxaana la dilay tiro dad ah oo la caddeyn, iyadoo ciidamo badan loo diray degaandaasi, halka kumanaan kale oo barakacay ay badbaado u raadsadeen xarumaha dowladda.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada milateriga Itoobiya loo diray degaanka Burayu ee duleedka magaalada Adis ababa, halkaasoo weerarrada xooggooda ka dhaceen, waxaana istaagay isu socodkii gaadiidka, iyadoo xaaladu kacsan tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON