Waxaa soo baxaya dalal Carbeed oo taageeray qorshaha Qarsoodiga ah ee Mareykanku doonayo inuu ka fuliyo Bariga Dhexe, kaasoo la baxay “Heshiiska Qarniga”.
Heshiiskan oo maamulka Madaxweyne Trump wado, isla markaana ujeedkiisu yahay in dhulka Falastiin lagu kala qeybiyo ayaa waxa si hoose u taageersaanaa dalal carbeed oo culeys ku saaray maamulka Falastiin inuu qaato, waxaan dalalkaasi la sheegay inay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaradka.
Arrintan oo soo shaac baxday toddobadkan xilli uu socdaal ku marayo Bariga dhexe La-taliyaha iyo wiilka uu Soddogga u yahay Madaxweyne Trump oo ah Ergeyga Mareykanka ee Bariga dhexe Jared Koshner, ayaa booqday Dalalka Qatar, Imaaraadka, Sucuudiga, Jordan, iyo Masar.
Wargeys ka soo baxa israa’iil ayaa ka shifay in alalka Masar, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Jordan ay aqbaleen heshiis Qarniga ee Trump oo ay qeyb ka tahay in magaalada Qudus lagu wareejiyo Israa’iil halka Marinka Gaza la hoos geynay Masar.