Tuesday, April 16, 2024

Dalalka Safka hore oo Ciidamo Cusub u soo diraya Somaliya & Dagaal lagu qaadayo Alshabaab

Dowladada safka hore ee deriska la ah Soomaaliya ayaa ciidamo cusub oo aan ka mid ahayn ATMIS u diraya Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka Alshabaab.

Qorshahan ayaa waxaa shaaciyey la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Amniga Qaranka, wuxuuna ka danbeeyay shirkii madaxda dalalka safka hore ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Ciidamada cusub ayaa waxaa kuwa ugu badan Soomaaliya u diraya dalalka Itoobiya iyo Kenya, sidoo kale waxaa ciidamadaasi dalalka Soomaaliya u diraya ka mida Jabuuti, iyadoo ay qeyb ka yihiin Qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab oo lagu doonayo in looga xoreeyo degaanada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ad

Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti auu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha inay ciidamada ay soo dirayaan ay toddobaadyo gudahood kusoo gelayaan Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay VOA.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay dagaal buuxa oo Alshabaab lagu qaado ayaa raadinaya taageero uu ak helo dalalka waaweyn ee saaxiibada Soomaaliya iyo kuwa deriska, waxaana hadda muuqata in arrintaasi lagu guuleystay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON