Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay dalkaasi si looga hortago cudurka Covid-19.
Wareegto kasoo baxday Ra’iisal wasaraha dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in tallaabadan oo qaaday markii ay sare u kaceen kiisaska Coronavirus ee dalka Itoobiya gudihiisa, si joogto ahna ay sare ugu kacayeen iyadoo tallaabooyinkii hore loo qaaday aysan waxba ka tarin.
Itoobiya ayaa diiwaangelisay ilaa hadda 55 qof oo cudurka qaba, waxaana u dhintay 2 qof, iyadoo ay ka bogsooden afar kale.
Itoobiya ayaa xirtay jaamcaddaha, Iskuulada iyo xarumaha waaweyn ee la isugu yimaado, waxaana shaqaalaha lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan, waxaana hadda sii kordhaya xayiraadda la saaray dadka dalkaasi.