Tuesday, June 24, 2025

Darawal Bajaaj oo Caawa lagu dilay Muqdisho & Ciidamada Amniga oo laba Qeybood u kala xiray Magaalada

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa lagu dilay magaalada  darawal Moojo Bajaaj kaxeynayay.

Darawalka ayaa lagu dilay Wadada taleex markii uu  Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo ka mid ahaa ciidamada amniga uu rasaas ku furay, taasoo ka dambeysay muran dhex maray, iyadoo uu dhaawac culus kasoo gaaray rasaasta ku dhacay, kadibna uu geeriyooday.

Askariga falka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen goobta shilku ka dhacay oo markii dambe laga qaaday Mootadii, isla markaana ciidamo kale ay yimaadeen halkaasi.

Magaalada ayaa lasoo weriyay inay caawa kala xirneyd kadib markii ciidamada amniga ay diideen in la isaga gudbo Wadooyinka Wadnaha iyo Makala Almukarama, waxaana dadka ku sugan dhinaca Wadnaha ay awoodi waayeen inay u soo gudbaan dhinaca kale.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala Maka Almukarama, taasoo keenay in magaalada ay laba qeybood u qeysanto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON