Friday, June 27, 2025

Darawal Gaari oo lagu dilay Dekadda Muqdisho iyo Ninkii falka geystay oo la qabtay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Darawal Gaari Xamuul oo xalay lag dilay agagaarka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa la sheegay inay geysteen rag hubeysan oo burcad ahaa, kuwaa kaasoo toogtay Darawalka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Muumin Axmed, kadib markii uu muran dhex maray, ayna isku dayeen inay ka dhacaan Telefoon uu sitay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Qaar ka mida ehelada Marxuumka la dilay ayaa sheegay in Darawalka lagu dilay iridka laga baxo ee dekadda Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ay qabteen ninkii dilka geystay.

Falalka dilka ee ay geysato Burcadda ayaa mar kale kusoo kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xaafadaha qaar dib u soo laba kacleeyeen ciyaalo weero.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON