Alshabaab ayaa falal qaraxyo iyo dil ka fulisay caasimadda Muqdisho iyo degaanka Jazeera ee Gobolka Sh/hoose.
Xaafada Seyb Biyaano ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay dabley hubeysan shalay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada melleteriga, kaasoo la sheegay inuu ahaa Darawalka Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Col. Xuseen Xoosh.
Dableyda dilka geysatay goobta ka baxsatay, waxaana goobtaasi tegay ciidamada Amniga oo ka qaaday meydka askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ciirro.
Sidoo kale qarax ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa dhaliyey qasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa Miino la dhigay goob ay ku sugan yihiin ciidamada Milatariga ayaa waxaa ku dhintay hal askari.
Qaraxa waxaa sheegatay Alshabaab inay ka danbeysay, waxaana guddoomiyaha degaanka Jaziira Xuseen Jilacow uu caddeeyay in qaraxa.
