Dowladda Iiraan ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay go’aankii madaxweyanaha cusub ee Mareykanka ee dadka 7 dal oo muslim ah uga mamnuucay inay galaan dalka Mareykanka.
Iiraan ayaa sheegay inay dalkeeda ka mamnuuceyso inay tagaan dadka Mareykanka ah, taasoo Jawaab u ah wareegtadii uu dhowaan saxiixay Donald Trump ee dalal ay ku jiro Iiraan ka mamnuucay in dadka u dhashay ay muddo 3 bilood ay tagaan Mareykanka.
War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Iiraan ayaa lagu sheegay maanta in, waxaana lagu sheegay inuu go’aankaasi uu ceeb ku yahay dunida islaamka iyo gaar ahaan dalka weyn ee Iiraan”.
Go’aanada is daba joogga ah ee madaxweyne Trump ayaa keenay inay dhaliyaan qalalaase iyo xiriirka Mareykanka ee dalalka dibadda oo carqalado soo galeen.
Goobjooge.com