Thursday, June 26, 2025

DEDGEG: Maleeshiyo taabacsan Xildhibaan Axmed Taajir oo xiratay Qaar ka mida Wadooyinka Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inay xiisad ka taagan tahay magaaladaasi.

Maleeshiyo taabacsan xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Taajir) ayaa xirtay qaar ka mida wadooyinka magaalada Kismaayo, iyadoo kasoo horjeeda xariga xildhibaanka oo maamulka Jubbaland xasaanadda ka qaaday isla markaana xasbi dhigay.

Maleeshiyada oo ku hubeysan hub kala duwan ayaa xiisad ka abuuray magaalada Kismaayo, waxayna dalbanayaan in la sii daayo xildhibaan Axmed Taajir oo  xarigiisa uu amray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Maleeshiyada taageersan xildhibaanka xiran ayaa goobta ay galeen waxaa ka mida Dhismaha Fiat oo ka soo horjeeda Xarunta Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, waxaana magaalada hareeyay xiisad.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo la filayay inuu Axmed Madoobe sii daayo xildhibaan Axmed Taajir kadb codsi ka yimid safiirka UK ee Soomaaliya oo Kismaayo Booqday shalay, waxaana xildhibaanka xiran uu heystaa dhalashada UK.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON