Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerarka Alshabaab ku qaaday Xurunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha magaalada Muqdisho ee dhismaha Otto Otto, iyadoo uu gabagabo ku dhow yahay howgalka ciidamada Amniga ka wadaan xaruntaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in 3 ka mida dableydii gudaha u gashay xarunta ay toogasho ku dileen ciidamada Amniga, kadib howlgal socday in ka badan laba saacadood oo dhex maray ciidamada gaarka ah ee Wasaaradda Amniga iyo maleeshiyada Alshabab ee gashay xarunta.
Dabley afraad ayaa la sheegay inuu isku dhex qarxiyey gudaha Xarunta Otto Otto, qaraxaasoo ahaa kii labaad ee laga maqlay xarunta Otto Otto, waxaan hadda socda howlgal hubin iyo xaqiijin ah, iyadoo ciidamadu ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen in dhammaan dableydii Alshabaab ay dhinteen.
Qasaaraha weerarka ayaa sii kordhaya, waxaana dadka ku dhintay lagu sheegay 11, halka dhaawaca uu ka badan yahay 20 kale, sida ay sheegeen saraakiisha amniga iyo kuwa caafimaadka ee gurmad degdegga.
Waxaa dhismaha laga soo badbaadiyey shaqaale iyo saraakiil ku sugnaa xilliga qaraxa dhacay, waxaana weli ciidamadu raadinayaan dadkii ku go’doonsanaa xarunta.