Monday, July 14, 2025

Abiy Ahmed oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibadda iyo Taliyeyaashii Milateriga & Sirdoonka

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilalkii ka qaaday mas’uuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadiisa iyo cidiamada dalkaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu Abiy Ahmed xilalkii ka qaaday Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen, Taliyaha Ciidamada Difaaca Abebaw Tadesse iyo Madixii Sirdoonka dalkaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in xilalkii laga qaaday saraakiil sare oo uuka mid yahay taliye ku xigeenka ciidamada Difaaca Itoobiya, waxaana isla maanta is casilay oo la bedelay Madaxweynihii Is-maamulka Amxaaradda.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiisha iyo ciidamada kasoo jeeda Tigreega ee Dowladda Itoobiya ay wadaan kacdoon iyo inay ka tagaan xilalkooda, iyadoo diidan dagaalka lagu qaaday Gobolkooda.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo uu socdo dagaalka ay dowladda Federaalka Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray.. Mana jiro faahfaahin kala uu xafiiska Ra’iisal wasaaraha bixiyay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON