Wareegii koowaad ee Doorashada iyo tirinta codka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gabagowday iyadoo hadda lagu dhex jiro tirintii rasmiga ahayd.
Natiijada aan rasmiga ahayn ee aanu tirinay waxaa ugu hroeeya musharixiinta kala ah:
1- Xasan Sheekh Maxamuud 88 Cod
2- Maxamed C/llaahi Farmaajo 72 Cod
3- Shariif Sheekh Axmed 49 Cod
4- Cumar C/rashiid Cali 37 Cod
5- C/qaadir Cosole Cali 25 Cod
6- Saciid C/laahi Dani 18 Cod
7- C/llaahi Axmed Caddow 14 Cod
Natiijada rasmiga ah ayaa la sugayaa inay ku dhawaaqaan Guddiga Doorashada iyo Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo la arki doono cidda isugu soo harta wareega labaad
Doorashada ayaa la saadaalinayaa in wareeg labaad iyo mid saddexaad loo baahan doono haddii aanu tanaasul dhicin.