Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Alshabaab ay qabsadeen Gaari kuwa gurmadka caafimaadka ah (Ambulance) iyo laba qofood oo shaqaalaha caafimaadka ka tirsan oo la socday kadib markii gaarigaasi loo diray Tuulo lagu magacaabo Yalaxow oo dad xanuunsan uu ka soo qaadi lahaa.
Gaarigan ayaa laga diray isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhexda u galay maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab oo la wareegtay gaariga iyo shaqaalihii saarnaa iyadoo la sheegay inay la aadeen dhinaca Galhareeri.
Xarakada Alshabaab ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan, waana markii ugu horeysay oo ay afduubtaan shaqaale iyo gaadiid caafimaad.
Goobjooge.com