Qeybta Garsoorka ururka Alshabaab ayaa go’aan kasoo saaray Caawa xilliga ay ku beegan tahay bisha Ramadaan ee sanadkan 1440 Hijriyadda.
Warka kasoo baxay xafiiska Garsoorka Xarakada Shabaab ayaa lagu go’aamiyey in maalinta Berri ay tahay maalinta ugu dambeysa ee bisha Shacbaan oo ah 30-ka Shacbaan, isla amrkaana Isniinta ay noqoneyso maalinta koowaad ee Ramadaanka, kadib markii bishii la waayay caawa.
Sida lagu sheegay warakan oo lagu baahiyey warbaahinta Alshabaab kasoo baxay Garsoorka xarakada Al Shabaab, waxaa muddo saacado ah la raadiyey dhalashada bisha Ramadaan, basle dadaal dheer kadib la waayay bishii, sidaasina lagu dhawaaqay in maalinta Berri ah ladhameystirayo bisha Shacbaan islamarkaana Isniinta soo socota ay tahay kowda bisha Rammadaan.
Waa markii ugu horeysay ee Alshabaab si toos ah u go’aamiso xilliga laga soomayo degaanada ay ka taliso ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.