Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Alshabaab oo Madaafiic ku weerartay Garoonka Baraawe oo Ra’iisal wasaaraha ka degay

War hadda soo dhacay  ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay madaafiic ku rideen Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo ay goor dhow ka degeen madax kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay duleedka magaalada ka tuureen madaafiic dhowr ah oo ay ku weerarreen Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe, iyagoo ku soo beegay xilli ay halkaasi ka degayeen madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Lama soo werin wax qasaare ah oo madaafiicdaasi geysatay, iyadoo la sheegtay inay seegeen gudaha garoonka, kuna dhaceen hareeraha magaalada.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Shariif Xasan ayaa Baraawe u tegay dardar gelin dagaal Alshabaab lagu qaadayo oo ku wajahan Gobolka Sh/Hoose.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON