Kooxda Alshabaab qeybteeda warbaahinta ayaa caawa shaacisay sawirro ay sheegtay inay yihiin dagaalkii ay maanta ku qaaday xerada Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Alshabaab ayaa muuqaalladda ay faafisay waxay muujinayaan maleeshiyadooda oo gudaha ugu jira Xerada Sanguuni, iyo qeybo ka mida saldhigga oo gubanaya, halka maleeshiyada qaarkood ay wataan saanad laga helay xerada.
Ashabaab ayaa sheegatay inay weerarkii maanta ku dileen 41 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubba iyo Gaari Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay Qori dhashiike ah oo ay qabsadeen.
Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka Jubba ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka ayna ku dileen 9 maleeshiyo oo Alshabaab ah, kadibna weerar cirka ah lagu laayey maleeshiyado ku dhow 60- kale.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada labada dhinac, muuqaalladda Alshabaab ayaa laga yaabaa inay ka mid yihiin sawiradii weerarkii ay hore ugu qabsatay Saldhigga Baar Sanguni, waxaana labada dhinac lagu yaqaan inay qasaarahooda qariyaan.
DAAW SAWIRRADA
Meydadka askarta ayaan suuragal ahayn inaan soo gudbino sababo la xiriira mihnada saxaafadda iyo dhowrista dareenka akhristayaasha.