Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Alshabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Ex. Kontrol [Sheekh Cali Dheere oo qiray inay ka dambeeyeen Qaraxa..]

Alshabaab ayaa Wararka ayaa sheegaya kasoo saartay Qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye ee dhaliyey qasaaraha faraha badan ee dhimashada iyo dhaawaca leh.

Afhayeenka guud ee Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta Alshabaab ayaa ka hadlay arrintan, isagoo sheegay inay Alshabaab ka danbeysay qaraxa ayna la beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo la gaarsiiyey qasaare xoog leh, sida uu yiri.

Afhayeenka Alshabaab ayaa qiray in qasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed kasoo gaaray dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen, taasoo uu sheegay inaan loola dan lahayn, ayna ka xun yihiin, wuxuuna ku adkeystay inay sii wadi doonaan beegsiga Turkiga.

Sheekh Cali Maxamud Raage oo farriin cod ah soo duubay ayaa faahfaahiyey, cudurdaarna u sameeyay dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku dooday in dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay ay yihiin Shahiid.

Arrintan ayaa soo baxday saacado kadib markii sirdoonka Soomaaliya uu soo saaray warbixin hordhac ah oo lagu sheegay in dowlad shisheeye ay ku lug lahayd, inkastoo aan la shaacin dowladaasi.

HALKAN KA DHAGEYSO QEYB KA MID FARRIINTA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON