Wararka laga helayo magaalada Kismaayo aya asheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) la filayo inuu maanta ku dhawaaqo Golihiisa wasiirada oo muddo 5 bilood ku dhow laga sugayay inuu soo dhiso.
Wararka ayaa sheegaya in la magacaabo qaar ka mida golaha wasiirada iyadoo weli aanu suuragelin heshiis dhex maraya maamulka Jubba iyo Beesha Mareexaan oo muddo dhowr jeer ah baaqday. Xubnaha Golaha wasiirada ee la shaaci doono ayaa gaaraya10 Wasiir oo ka mid noqon doono Wasiirada Maamulka Jubbaland.
Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ayaa xukuumad la’aan ahaa muddo shan bilood ah tan iyo intii xilkaasi dib loogu doortay bartamihii August 2015. Tirada guud ee golaha wasiirada maamulka Jubba ayaa wararku sheegayaan in laga dhigayo 18-20 wasiir.
Arrinta ugu weyn ee Axmed Madoobe hor taalla ayaa ah cidda uu siinayo jagada madaxweyne ku xigeenka kaliya ee la magacaabi doono iyadoo laba madaxweyne ku xigeen uu hore u lahaa maamulkiisa.
Goobjooge.com