Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo soo dhoweeyay Waanwaanta ay wadaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Maxamed Axmed Islaam (Madoobe) ayaa kulan kula yeeshay magaalada Kismaayo wafdigii ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Axmed Madoobe oo ka hadlay kadib kulan dhex maray wafdiga Aqalka Sare ayaa sheegay in heshiisyadii dhex maray dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay waxba ka fulin waayeen, isla markaana ay xamili waayeen qaabka amniga ay u wajaheyso dowladda Federaalka.

“Shirkii uu danbeeyay ee Baydhaba waxaan ku heshiinay lix maalmood gudahood in lagu fuliyo heshiiska oo qalabkii ciidan la gaarsiiyo meelaha looga baahan yahay, dagaal ayaan qaadi lahayn … waxba waa socon waayeen.. markasta dib u dhac ayaa laga socon waayey..” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu u sheegay xubnaha Aqalka Sare inuu soo dhoweynayo kaalintooda, isla markaana cabashada jirta inay la noqon doonaan, waxyaabaha ay tabanayaanna wax laga qabana doono.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe  in lagu kalsoonaado Ciidanka Soomaliyeed oo la xoojiyo, wuxuuna yiri “Amniga dalku ma aha Nin ay Amisom waardiyayneyso ee waa in lagu kalsoonaada Ciidanka Soomaaliyeed Nin guri ku jira oo askar waardiyaynayso Amni ma aha”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON