Iyadoo ay hadda soo dhammaatay tirinta codadka Doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilkaasi markii saddexaad ku guuleystay madaxweynaha xilka hayey Axmed Maxamed Islaam.
Codadka la tiriyey ayuu ka helayin ka badan 3 ka meel laba [3/2], iyadoo sawaxan iyo sacab is qabsaday hoolka ay doorashadu ka socoto, waxaana codadka uu helay u suuragelinayaan inuu markii saddexaad noqdo madaxweynaha Jubbaland. Musharaxa ku soo xigay Axmed Madoobe oo codad aan la fileyn heshay ayaa noqotay haweeneyda Canab Maxamed Daahir.
Axmed Madoobe ayaa hadda lagu dhawaaqayaa inuu xilkaasi ku guuleysatay, kadib doorasho muran iyo khilaaf badan hareeyay oo magaalada Kismaayo ka qabsoontay,. waxaana barbar socday doorasho kale oo uu ku soo baxay C/rashiid Maxamed Xiddig.
Natiijada rasmiga ayaa noqotay in Axmed Madoobe uu helay 56 Cod, waxaana kusoo xigtay musharax Canab Maxamed Daahir oo heshay 17 cod, halka musharaxa kale ee Mohamed Mohamud Omar uu helay hal cod oo kaliya, waxaana codkooda dhiibtay 74 xildhibaan.
Axmed Maxamed Islaam ayaa isl markii uu guuleystay loo dhaariyey xilkaasi, waxaana uu khudbad kooban mahadcelin iyo ballanqaad ah ka jeediyey kadib doorashadiisa ay muranka hareysay.