Magaalada Jowhar ayaa lagu doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee Aqalka sare, doorashada senatoorada Aqalka sare oo halkaasi ka socota.
Senator Cusmaan Axmed Macow ayaa noqday Xildhibaankii u horeeyay ee Aqalka sare u metelaya Maamulka Hirshabeelle, kadib markii uu helay 73 cod, halka Musharixii tartanka kula jiray Cabdinuur Ibraahim Farey uu helay 24 cod.
Guddoomiyaha Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, isagoo sheegay in Cusmaan Axmed Macow uu si rasmi ah u guuleystay.
Kursiga labaad ayaa la bilaabay in loo codeeyo waxaana ku tartamaya Prof. Cismaan Maxamuud (Dufle) iyo Jaamac Xuseen Xaashi.