Monday, July 14, 2025

Baarlamaanka oo G/Banaadir u ansixiyey inuu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd cod loo qaaday xeerkii metalaadda Gobolka Banaadir, iyadoo loo ansxiyey inuu 13 xubnood yeesho Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mrsal Sheekh ayaa khudbad kadib u yeeray Guddoomiyaha Guddiga soo diyaariyey xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Xildibaan Ibaahim Yarow oo golaha u jeediyey wax ka bedelka lagu sameeyay, waxaana codkii loo qaaday ogolaatay 142 xildhibaan, iyadoo ay diideen 4, mana jirin cid ka aamustay.

Afar xildhibaan ayaa la arkayey iyagoo buuqaya intii ay codeyntu socotay, waxaana la arkayey in midkood uu miiska dushiisa fuulay si uu codeynta u carqaladeeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON