Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne C/weli Gaas.
Kulanka waxaa gooboog ka ahaa Madaxweyne Gaas oo ka codsaday xildhibaanada in duuduub lagu ansixiyo Golaha Wasiirada.
markii cod ayaa la geliyey Baarlamaankuna wuxuu isku raacay duuduub in lagu ansixiyo, cod gacantaag ah ayaa loo qaaday Xasaanad siinta Golaha cusub.
61 xildhibaan ayaa codsiiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada, 3xildhibaan ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, kulanka waxaa fadhiyey 64 xildhibaan.
Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta Golaha wasiirada iyadoo wasiirada la ansixiyay ay yihiin kuwii kalsoonida ay kala noqdeen golaha oo dib loo soo celiyay intooda badan.