Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda 2018.
Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2018 oo dood weyn ka taagneyd maalmihii ugu danbeeyay.
Kulanka Maanta waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/wali Ibraahin Sheekh Muudeey ,waxaana kulanka soo xaadiray 164 Mudane,iyadoo 162 ka mid ah ay Ogolaadeen Miisaaniyadda 2018 in ay Ansax tahay,halka mid kamida uu diiday,midna ka aamusay.
Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahin Sheekh Muudeey ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay tahay Ansax oo ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.