War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Bam loo dhigay wadadda uu ku qarxay kolonyo ah oo ay wateen Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.
Guddiga oo marayay degaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho ayaa la sheegay in gaadiidkii ay la socdeen uu haleelay qarax jidka loo dhigay oo ku qarxay mid ka mida gaadiidka guddiga la socday.
Bamka ayaa la sheegay inuusan geysan wax khasaare ah oo ay ka badbaadeen xubnaha guddiga oo u socday howlo kormeer iyo gargaar ah oo ay ka wadeen duleedka Muqdisho.
Wafdiga Guddiga waxaa ka mid ahaa madax ka tirsan Bisha Cas ee Soomaaliyeed, waxaana qaraxa qasaare kasoo gaaray gaari ka mida kolonyada, mana jirin qasaare kale.
Goobjooge.com