Friday, June 27, 2025

Booliska oo shaaciyey in Gacanta lagu dhigay Ninkii ka dambeeyay Dilka Suleeqa Yuusuf…

Taliska ciidamada Booliska ayaa goor dhoweyd shaaciyey in la qabtay oo gacanta lagu dhigay Ninka ku eedeysan dilka haweeneydii dhowaan meydkeeda laga helay Hotelka Caamir ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo Booliska aya baadigoobayeen ayaa baxsaday kadib markii uu tacadi u geystay, kadibna sababay dilkeeda, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Denbi baarista Booliska Gobolka banaadir oo ku daba jiray ninkan oo magaciisa lagu sheegay Bishaar C/risaaq Maxamed”

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in la qabtay eedeysanaha geystay dilka haweeneyda, waxayna farriin ay soo dirtay ku tiri: “Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumad Suleeqo Yusuf Axmed falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaala degmada Howlwadaag..”

Dilka Suleeqa [Sumaya] Yuusuf Barkhadle ayaa si weyn looga naxay, waxaana dad badan ay baraha bulshada uga falceliyeen dilka naxdinta leh, iyadoo qaabka loo dilay aysan weli Boolisku shaacin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON