Monday, June 23, 2025

Cabdi Xaashi oo soo bandhigay wixii dhex maray RW Rooble iyo Xubnaha Guddiga uu u hanjabay

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, taariikhdii lasoo maray iyo khilaafka ka taagan doorashda xildhibaannada Gobollada Waqooyi.

Cabdi Xaashi oo ka hadlayey Madal xilligan ka socota magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo inuu Farmaajo ka hor taagnaa sharci darrada Dastuuriga ah, ayna isku dhaceen in badan, ayna dhacday in Golaha shacab laga ansixiyo laba sano oo ku darsi ah, ahna sharci darro.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday inuu u diiday madaxda kasoo jeeda Somaliland inay ka qeyb galaan shirarkii masiiriga ahaa ee Golaha Wadatashiga, taasina aany ogeyn abab ku kaliftay.

Ad

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu sheegay markii ay la shireen isaga iyo Mahdi Guuleed inay ku wareejiyaan arrinta Doorashada Somaliland, isaguna aanu u arkin inay arrinta Somaliland tahay badeecad la isku wareejinayo ee ay ahayd dad iyo dal, isla markaana uu dalbaday inuu talo la noqdo.

“Ra’iisal wasaaraha wuxuu u yeeray xubnaha guddiga doorashada ee 4-ta xubnood ahaa ee aan anigu magacaabay, wuxuuna ku yiri waa is dooraneysaan Guddigiina, haddii aan imaan weydaana waan idinka saarayaa Guddiga..” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo Rooble ku eedeeyay inuu ka been sheegay wixii dhex maray.

Wuxuu si cad u sheegay Cabdi Xaashi inuusan cidna ka aqbaleynin inay mas’uul uga noqoto siyaasadda, wax aan heshiis lagu ahayna aanay socon doonin, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble ku tilmaamay qof aan dhexdhexaad ahayn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON