Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Ciidamada AMISOM oo la wareegay Ammaanka Jowhar & shirkii oo bilowday

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay la wareegeen ammaanka magaalada Jowhar iyo goobta ay ka socoto doorashada madaxda Hirshabeelle.

Ciidamada AMISOM ayaa isku gadaaay hoolka shirka iyagoo sugaya ammaanka shirka baarlamaanka Hirshabeelle oo goor dhow furmaya, waxaana xarooday xildhibaanada iyo xubnaha kale ee shirka.

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa galabta iyo caawa dhageysanaya khudbooyinka musharixiinta madaxweynaha ku xigeenka ee maamulka Hirshabeelle.

Waxaa xilka madaxweynaha ku tartamaya musharixiinta kala ah:

  1. Cali Cabdullaahi Cosoble
  2. Cali Maxamed Carraale
  3. Maxamed Cabdi Waare

Xilka madaxweyne ku xigeenka waxaa u taagan:

Guddomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Xasan Taakow, inkastoo musharaxa danbe arrintiisa qasan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON