Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in falal dil ah aya ka dhaceen Suuqa Bakaraaha ee caasimadda.
Wararka aya sheegaya in ciidamada nabadsugid ee dharcadka ay toogasho ku dileen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasoo la sheegay in lagu qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha markii laga shakiyey, balse intii la siii waday si loo baaro ay bistoolado isku dayeen inay la soo baxaan, halkaasoo lagu toogtay.
Goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa heegay in labada wiil looga shakiyay arrimo argagixiso iyo dilalka qorsheysan, kadibna gacanta lagu dhisay, balse markii ciidamada ay sii wadeen uu dhacay iska hor imaadka.
Falkan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Shirkadda Dahabshiil ee suuqa bakaaraha, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dableyda ay ahaayeen 4 oo laba ka mida ay baxsadeen kadib markii rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada NISA.
Waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda oo ay la socdaan saraakiil, iyadoo baaritaan lagu wado kiiskan, waxayna arrintan ka dambeysay dil shalay loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidamadaa Taraafikada oo kooxda Daacish ay sheegatay.