Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay la wareegeen degaan ay isku urursadeen ciidamo taabacsan Ahlu suna oo dib loo ababaulay.
Dagaal kooban ayaa labada dhinac ku dhex maray degaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ciidamadii Ahlu suna ay ka baxeen halkaasi, markii ay muddo kooban dagaal la galeen ciidamad Galmudug.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmduug ayaa laga soo xigtay inay la wareegeen degaanka Bohol oo ay isku aruursanayeen maleeshiyo taabacsan kooxda Ahlusunna.
Ciidamada Galmudug ayaa gudaha u galey Degaankan Bohol, waxayna sheegteen inay ka jawaabeen markii ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyada is aruursadey ee Ahlusunnada.
Dagaalka ayaa dhaliyey dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weli aanu soo bixin qasaaraha rasmiga ah.
