Sunday, August 3, 2025

DEGDEG: Ciidamada Somaliland oo weerar ku qabsaday degaanka Tukaraq & Puntland oo gurmad…

Wararka laga Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Soomaliland  ay saaka la wareegeemy tuulada Tukaraq oo u dhow magaalada Garowe.

Weerarka ciidamada Somaliland ee saaka ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay magaalada Garowe, waxayna degaanka Tukaraq ee ay la wareegeen ciidamada Somaliland u jirtaa in ka yar 85 KM.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Tuuladda Saakay Arootii uu ka dhacay dagaal Kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ugu dambeyntii ay qabsadeen ciidamada Somaliland. Tukaraq ayaa hoos timaada degmada Laascaanood, waxayna ahayd meel ay isku hor fadhiyeen ciidanka Somailand iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah ay Puntland u dirtay degaankaasi, iyadoo xiisad colaadeed ay taagan tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON