Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay Weriyaha caanka ah ee C/Maalik Coldoon

War Deg Deg Ah Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada Booliska magaalada xabsiga u taxaabeen Wariyaha caanka ah ee Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Weriyaha ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana la qabtay isla markii uu ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa isagoo ka tegay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday inuu dib ugu laabto magaaladiisa Burco.

Wararka ayaa sheegaya in weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ciidamada Booliska u kaxeysteen saldigga dhexe ee magaalada Hargeysa, halkaasoo lagu xiray iyadoo aan la shaacin sababta loo xiray iyo waxa lagu heysto midna.

Weriye C/maalik Coldoon ayaa dhowaan la kulmay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo taasoo loo aaneynayo inuu loo cuskaday xarigiisa.

Weriye Coldoon ayaa ku caan baxay dhaqdhaqaaqyo samafal iyo wadaniyad, taasoo keentay inay aad u kahsadaan maamulka Somaliland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON