Thursday, July 17, 2025

DEGDEG: Ciidamo Boolis ah oo qabtay Wasiirku ku xigeenkii Arrimaha dibadda & is hortaag lagu sameeyay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya si ay u soo xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi oo amar maxkamadeed laga soo saaray.

Ciidamada gaarka u tababarran ee Booliska ayaa tegay xarunta wasaaradda, waxayna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Da’uud u sheegeen inuu xiran yahay oo ay amar heystan, laakiin markii ay isku dayeen inay kala baxaan xarunta ayaa waxaa hor istaagay shaqaale iyo ilaaladda wasaaradda oo difaacaya wasiir ku xigeenka.

Xiisad weyn ayaa ka taagan xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee magaalada Muqdisho  oo ku taalla agagaarka KM 5, waxaana is hor taagab labada ciidan, iyadoo Ciidamada ilaalada wasaarada ayaa ka biyo diideen in la kaxaysto wasiirka

Arrintan ayaa salka ku heysa khilaaf u dhaxeeya Wasaarada Arrimaha dibada iyo tan Wasaaradda Maaliyadda oo la xiriira lacagaha ay wasaarada ardimaha dibadda soo xareyso iyo Kharashaadka wasaaradu gala oo la amray inay ku wareejiso wasaaradda Maaliyadda balse la sheegay inuu hor istaagay Wasiir ku xigeenka xariga loo jaray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON