Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Ciidamo fara badan oo Puntland looga dilay weerarkii Af-urur & Ciidamo Gurmad oo gaaray

Qasaare baaxad leh ayaa ka soo gaaray ciidamada Puntland weerarkii Alshabaab ay xalay xilli dambe ku qaaday saldhigga Af-urur ee Gobolka Bari.

Saldhiga ayaa la sheegay inay weerar culus ku ekeeyeen dagaalyahannada Alshabaab iyadoo qabsaday, waxaana gurmadkii ugu horeeyay ee halkaasi gaaray ay arkeen burbur xoog leh oo ka dhacay saldhigga iyo qasaare weyn oo gaaray ciidamada Puntland ee dagaalku qabsaday.

Ciidamo uu hoggaminayo taliyaha ciidamada Puntland  Gen. Saciid Maxamed Xersi oo gurmad ah ayaa tegay saldhigga oo ay Alshabaab qabsadeen kadibna isaga baxeen, waxaana lasoo weriyay inay indhahooda ku arkeen qasaaraha weyn ee gaaray saldhigga iyo ciidamada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana hadda la qiyaasayaa inta uu la eg yahay qasaaraha.

Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaalka Af-urur ku dishay 61 askari ayna ku furatay 16 baabuur oo isugu jira kuw dagaalka iyo xamuul. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON