Wararka laga helayo degaanka Tukoraq ayaa sheegaya iska hor imaad saaka ku dhex maray halkaasi ciidamada maamullada Puntland iyo Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya in weerar gaadmo ay qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland, taasoo keentay in rasaas xoog leh ay labada ciidan is-weydaarsadaan. Ciidamada weerarka qaaday ee Puntland ayaa la sheegay inay ahaayeen ciidamo ka tirsan Puntland oo ka careysan dib u dhaca dagaalkii ay dib ugu qabsan lahaayeen Tukaraq.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkii saaka dhex maray labada ciidan ee Somaliland iyo Puntland oo isku hor fadhiya aagga Tukaraq, waxaana hadda degan xaalada iyadoo ay jirto xiisad colaadeed.