Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kusii jeeda magaalada Dhuusamareeb iyagoo wada gaadiidka dagaalka.
Ciidamadan oo ka yimid Mudug ayaa soo maray dhinaca Cadaado, waxaana la sheegay inay goor dhoweyd gaareen degaanka Caro-tuurka ee u dhow Godinlabe, iyagoo doonaya inay tagaan magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu u yeertay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ay kuwa Ahlu suna ay kasoo dhaqaaqeen magaalada Dhuusamareeb iyagoo degay degaanka Mareergur, waxayna ciidamadan la sheegay inay ka hortegayaan ciidamada ku soo jeeda Dhuusamareeb si aysan magaalada usoo gelin.
Weriye saaka ku safray jidkaasi ayaa u sheegay warbaahinta inuu halkaasi ku arkay laba ka mida wasiirada maamulka Galmudug ee Xaaf taageersan, iyadoo aan la ogeyn inay la socdaan ciidamada iyo in kale.
Qaar ka mida saraakiisha ciidamada ku sii jeeda Dhuusamareeb ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay inay magaalada Dhuusamareeb ka kaxeeyaan Madaxweyne Xaaf oo ay geynayaan magaalada Gaalkacyo.

