Sunday, July 27, 2025

DEGDEG: Cumar C/rashiid oo noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee Puntland u doortay Aqalka Sare

Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ee xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa loo doortay inuu noqdo xildhibaan ka mida aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cumar C/rashiid ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee uu xilka u doorto Baarlamaanka Puntland, waxaana kursiga beeshiisa kula loolamay haweeney lagu magacaabo: Aamina Aadan Cabdullaahi.

Cumar-MusharaxCumar C/rashiid ayaa helay 47 cod oo guushii ay ku raacday, halka Aamina ay heshay 17 cod oo kaliya.

Cumar C/rashiid ayaa ka maqnaa fadhigii Baarlamaanka Puntland ee khudbad jeedinta isagoo la sheegya inuu socdaal qarsoodi ah ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON