Koox hubeysanayaa goor dhoweyd weerar ku qaaday Gaari ay leedahay haweeney guddoomiye u ah ururka haweenka Qaranka.
Weerarkan oo ka dhacay degmada Xamarweyne, agagaarka Via Roma ayaa lagu dilay labo qof, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay qof kale. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga la weeraray ay lahayd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe.
Kooxda weerarka geysatay ayaa wadatay Gaari kale waxayna weerarka ku dileen haweeney ahayd xoghayaha joogtada ee Ururka Haweenka oo magaceeda lagu sheegay Canab C/llaahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Jaamac Xersi.
Nin ku sugnaa goobta weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, waxaana goobta ka baxsatay dableydii weerarka geysatay, kadib markii rasaas fara badan oo is daba joog ah ay ku fureen Gaariga oo ay isku hor jareen.
Ciidamo amamanka oo goobtaasi gaaray goobta ayaa xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyagoo bilaabay baaritaan.
Xoghayihii Ururka Haweenka & Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka oo lagu dilay weerar Khaarijin ah