Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Dagaal culus oo ka qarxay Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu goor dhoweyd ka qarxay halkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo maleeshiyada Alshabaab, kadib markii weerar xoog leh ay Alshabaab ku qaadeen kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo mareysay degaanka Garasyaani ee u dhow Halgan ee u dhaxeeya Beledweyne iyo Buuloburte.

Dadka degaanka ayaa ku soo warramay in la maqlayo hubka culus, waxaana dagaalku yimid markii ay Alshabaab isaga baxeen degaanka Halgan, kadibna ay dib ula wareegeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda toddobaadkii hore.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana la filayaa in qasaare labada dhinac ah uu jiro.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON