Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex maray magaalada Gaalkacyo ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa ka dhacay suuqa weyn magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Cirtoogte, iyadoo lagu murmay Bakhaar la dhisayay oo dhulka uu ku yaallo ay labada dhinac ay mid waliba sheeganeyso.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay qof, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, waxaana magaalada weli laga maqlayaa rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinac.
Ciidamada isku dhafka labada maamul ayaa la sheegay in loo diray goobta dagaalku ka socdo, iyagoo weli aan ku guuleysan inay joojiyaan dagaalkan.