Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Dagaallo ka qarxay Galgaduud iyo Ahlu suna oo laga qabsaday degaano hor leh

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaal culus ka socdo duleedka magaaladaasi ee xarunta maamulka Ahlu suna.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay markii maleeshiyo beeleed ay qabsadeen degaanka Xeraalka ayna dib u riixeen cidiamadii Ahlu suna, waxaana dagaal culus hadda lasoo sheegay inuu k socdo meel udhow magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale degaanka Mareergur oo ay hore u joogeen ciidamad Ahlu suna ayaa la sheegay inay la wareegeen ciidamo taabacsan Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Ahlu suna.

Dagaaladan ayaa sii xoogeystay waxaana xoogiisa wada maleeshiyada fadhigoodu yahay Xeraale oo gacansaar la leh maamulka Galmudug.

Waanwaan la doonayay in dagaaladan lagu xaliyo ayaa u muuqata inay socon weyday, waxaana magaalada Cadaado xalay kulan ku yeeshay Jen. Maxamed Nuur Galaal oo gacansaare la leh Ahlu suna iyo madaxweyaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON